24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qaramada midoobey oo cambaaraysay xasuuq Wahaabiyada Sucuudigu ka gaystey Yaman oo dilay in ka badan 100 qof

Wahaabiyada/ ama Salafiga Sucuudiga ayaa duqeyn ku dilay in ka badan boqol qof ay ku jiraan caruur gaaraysa 22 magaalada Mustaba kadib gantaalo diyaaradeed oo ay la eegteen suuq dadku ka buuxay. Xoghayaha qaramada midoobey Banki Moon ayaa cambaareeyay xasuuqa Wahaabiyada/Salafigu Sucuudigu ka wado Yaman.

Sanadkii hore ayay ahayd markii Wahaabiyada Sucuudigu dileen in ka badan 130 qof oo joogey xaflad aroosa kadib markey la eegteen gantaal. Banki Moon ayaa u sheegay Sucuudiga oo aan waxba ka aqoon bani aadamnimo in dadku qiimo leeyahay ayna iska tuureyn gantaalada Maraykanku siiyay.

Abaabulkanka Sucuudiga ayaa waxa daba ka wada Maraykanka oo isagu ku dhuftey malaayiin doolar oo Sucuudigu hub kaga iibsado. Sucuudiga ayaan dagaalami Karin laba bilood oo isku xiga.

Wahaabiyada Sucuudiga oo iyaga iyo Maraykanku burburiyeen jiritaanka dalka ayaa sheegay in ay hakiyeen duqeynta magaalooyinka hadase ku ekaan doonaan caawinta askarta ajaanibta ee ku sugan dalka ee ay ugu yeeraan ciidanka qaranka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS