Warar hadda naga soo gaadhay magaalada Berbera ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Bileyska magaalaada Berbera uu galabta makhribkii tacshiiraad rasaas ah ku furay goob ay ka socotey diiwaangelinta codbixiyaasha,taas oo ay safaf dhaadheer ku jireen xiligaas dad doonayey in is diiwaangelinayaan,waxaana la sheegey in uu khasaareka dhashay raasaastta uu furay askaarigaasi.
Goobtan ay ka socotey diiwaangelinta codbixiyayaashu oo ku taala badhtamaha magaalada Berbera,taas oo lagu magacaabo “Santarka Barwaaqo” ayaa la sheegay in ay tacshirada uu askarigu ku furayay dadkaa is diiwaangelinay u dhaawac kala duwan ka soo gaadhay saddex qof, kuwaas oo hadda lagu daaweynayo Cisbitaalka guud ee magaalada Berbera,halka askarii falkaasi geystayna gacanta lagu dhigay,isla markaana lagu xidhay xabsiga dhexe ee magaalada Berbera.
Dhanka kalena ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta dhabta ah ee ka dambaysay inuu askarikaasu tacshiirada huwiyo dadkaa safka ku jirey.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay