24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sawiro laga soo qaaday goobaha uu ka socdo dagaalka Puntland kula jirto argagixisada

Waxaa wali socda dagaalka u dhexeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka kasoo horjeeda nabada ee ku duulay deegaanada Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegayaa in culeys ba’an uu kasoo foodsaaray dhanka Ciidamada Maamulka oo gurmad farabadan iminka soo gaaray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay soo foodsaartay hub yari, inkastoo ay wali ku dhabar adeegayaan isticmaalka hubka culus oo ay ku garaacayaan goobaha ay ku jiraan Ciidamada Maamulka.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in dagaalka uu sii xoogeysanaayo islamarkaana xiliyada qaar ay labada dhinac lugta isaga caana maalayaan, waxa ayna inta badan maleeshiyaadka isu uruuriyeen godadka iyo buurihii ay shalay firxadka ku galeen ka dib markii lagu jabiyey dagaalkii isla halkaas ka dhacay.

Deegaanada uu dagaalka ka socdo ayaa cidla ah waxaana isku muuqda Ciidamada Maamulka iyo kuwa maleeshiyaadka duulaanka qaaday, iyada oo dadkii halkaasi ku noolaa ay maalin ka hor halkaasi isaga baxeen.

galgala7[1] Galgala2[1]

galgala9[1]galgala9[1]galgala7[1]Galgala2[1]Galgala4[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS