11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sawiro: reer Puntland oo aan u kala harin rag iyo dumar ka difaacida dhulkooda cadowga Somalida ee shabaab

Haweenka Puntland ayaa qayb ka ahaa Ciidamada Puntland ee ka dagaalamayay Jiida hore ee deegaanada hoostaga Garacad iyo Togga Suuj kuwaas oo dagaal xoogan la galay dhiigmiiratada soo adeegsaday iskana soo horeysiiyay caruur aan qaangaadhin una sheegay in ay waxbarashio u socdaan.

Dhiigmiiratada Ayaan qof qofkale la hadlin si ayna u ogaan una suaalin halka ku socdaan iyo waxa ay samaynayaan in ay tahay xaaran iyo xalaal sida la wada ogyahay. Deegaanada ay weeraraan ayay ugu sheekeeyan in gaalo ka taliso soona xoreynayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa haweenka geesiyaasha ah ugu hambalyeeyay sida ay uga go’an tahay inay Difaacaan Puntland.

Haweenka Qaarkood waxay u sheegen Madaxweynaha inaysan ogolaanayn in amniga Puntland uu isbadal ku yimaado una gacan galo dhiigmiirad aan la dhaqan iyo fikir ahayn ummada Somaliyeed.

BUR fraa

 

1 2 3

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS