Berbera-Araabinews–Waxa jira walaac xooga kadib markii hub ay sheegteen maamulka Siilaanyo in ay ku qabteen dekedda Berbera kuna sheegeen in aan la garanayn halka uu u socdo xilli gooni goosadka SNM dagaal kula jiro reer Adal iyo Sool.
Waxa jira in SNM ku xadgudubtey cunaqabataynta hubka ee saaran dalka oo hadda kaliya loo fasaxay dawlada dhexe in ay hub soo dejisan karto.
Dawlada Somaliya ayaan wali wax wara ka soo saarin arinta hubkani oo wasiirka Siilaanyo ee arimaha guduhu sheegay in ay la wareegayaan si ay ugu gumaadaan kuwa diidan mabda ku dhisan gooni goosadka.
Hubkan ayaa ka kooban doonyo, taangiyo, madaafiicda goobta, kuwa la saaro gawaadhida, beebeeyo iyo hub kale oo wax gumaada.
Waxana muhiima in hubkan aanu u gacan gelin gooni goosadka oo ku hanjabay in ay la wareegayaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay