Bisadan oo lagu magacaabo Cookie, ayaa waxay ka badbaaday safar qaatay muddo sideed cisho, iyadoo ku jirta baakadda lagu soo booseeyay.
Baakadkan oo la dhigay Post, ayaa laga qaaday Magaalada Falmouth, gaar ahaan Deegaanka Cornwall, waxaana la geeyay Deegaanka West Sussex ee Magaalada Worthing ee dalka Ingiriiska. Cookie, ayaa iyadoo baakadka ku jirta waxaa safartay 416km (260m).
Cookie hadda way caafimaad qabtaa, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirka daryeesha bisadaha, marka laga soo taggo haraad iyo diif ka muuqanaysay.
Haweeneyda iska leh bisadda oo lagu magacaabo Julie, ayaa faah faahin ka bixisay qaabka ay dhacdadan u dhacday, waxayna sheegtay in agabyo ay direysay oo ku jiray baakadka inay si lama fillaan ah u gashay bisaddu.
“Waxaan dareemayaa cabsi sida ay wax u dhaceen. Agabyadii aan diraayay baan geliyay baakadda, waana diray. Marka maba ogayn sida ay u dhex gashay baakadaasi.” Ayay tiri Julie oo la hadashay BBC.
Julie waxay dhacdadan ku sheegtay mid mucjiso ah, haddii ay Cookie ka badbaaday mashaqadaasi. Waxay kaloo sheegtay inay in badan raadisay bisadda, markii ay weyday.
“Waa wax mucjiso ah, maxaa yeelay way ka badbaaday mashaqadaasi xun. Intii ay iga maqneyd meel kasta waan ka raadiyay, illaa aan ka xaqiiqsado inayba iga maqan tahay. Waa wax aad u xun, cabsi ayaana dareemayaa.” Ayay tiri Julie.
Waxaa layaab leh sida ay haweeneydaasi ku dareemi kari weyday in bisaddu ay ku dhex jirto baakadda, maadaama ay bisaddu tahay mid wayn, isla-markaana uu kordhaayo miisaanka waxa ku jira baakadda.






Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay