06/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Faroole oo ka yaabay cidlada uu dhigey Cabdiwelli Gaas oo qaatey 4.5

Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole ayaa cidla cad looga tagey kadib markii Cabdiwelli Gaas saxiixay in uu qaatey 4.5 kuna darsaday qodobo aan dhaqan gelin Karin.

Waxaba hadaba Siyaasiyiinta reer Puntland ee aan ku jiran Xukuumada Maamulkaasi ay durba bilaabeen in ay ka hadalyaan heshiiskaas, kuwaas oo uu ugu horeeyo.

Sida uu warbaahinta Maamulka Puntland u sheegay Madaxwaynihii hore ee Maamulkaas, oo ah hogaamiyeyaasha hormudka ka ah Siyaasada Maamulka Puntland uu ku dhaqamo

C/Raxmaan Faroole ayaa diiday Codsi ooga yimid Madaxwaynaha Maamulka Puntland kaas oo ahaa in Madasha heshiiskaas lagu saxiixayo uu yimaado,wuxuuna gaashaanka ku dhuftay Codsigaas, iyadoo uu sheegay in marna uuna ka qayb galaynin heshiis khayaamo ah oo Puntland loo maleegayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS