06/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Siilaanyo oo la soo dhibey una soo KICITIMAY Boorama

Madaxweynaha hawlgalbka ah ee maamulka Somaliland ayaa u kicitey Boorama halkaas oo loo sheegay in ay abaari ka jirto. Maamulka Somaliland ayaan la ogeyn cida ka Talisa maadaama Siilaanyo hawlgab yahay oo xataa loo diido su’aalaha. Socdaalada uu baxo ayaa inta badan dhalaanka loo tusaa in uu wali hogaanka hayo.

Waxase dad badan is waydiiyaan yaa ka taliya Hargeysa iyadoo caaqilka Siilaanyo ninka la baxay Boqor Buurmadow u sheegay in kursiga loo kordhiyo beeshiisa taas oo ka dhigan in kursigu u yaalo beeshiisa Siilanyana ku fadhiyo mala awaal ahaan laakiin qaar ka tirsan beesha ay ka hor shaqeeyaan waana kuwa wax kala bedela sida isbedelkii xalay oo lagu cuney hal wasiir ku xigeen oo ay is qabteen wasiirada Samsam.

Isku soo duubaa gobolada Awdal oo abaari ku habsatey ayaa shalay Siilaanyo wareejiyay gawaadhida deg dega oo aad loogu baahnaa gobolka lamana sheegin xaga gawaadhidaas la geeyay. Suldaan Abshir oo ah caaqilkla xeebta iyo bariga Woqooyi Bari Awdal ayaa isagu dalbadey gawaadhida deg dega mana filayo in hal lagu soo tuuro Lughaya.

Suaasha jirtey mudadii Siilaanyo hawlgabey ayaa ah yaa xukumayay maamulkan Hargeysa ee ictiraaf raadiska ah iyadoo shalay Ismaaciil Hure Bubaa sheegay in ictiraafka laga raadiyo gudaha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS