Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobolka Awdal waxa la rumeysan yahay in ilaa lix ruux ay ku geeriyootay roobab daadad wata oo shalay gelinkii dambe ka da’ay Gobolka xilli abaaro daran ay ka jireen.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Ramaax, ayaa sheegay roobka oo aad u xooganaa inay ka dhasheen Daadad, jabsaday Baliyo ku yaallo dhanka sare ee deegaanka Dila, taasna ay sababtay in daadka uu ku soo rogmado goobo ganacsi iyo guryo.
Caruur iyo dad waaweyn ayeey isugu jiraan dadka ku geeriyooday daadadkaasi ka dhashay roobka xoogan ee shalay gelinkii dambe ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.
Daadadka oo aad u badnaa ayaa sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in dad badan naftooda ay la baxsadeen, kadib markii ay fuuleen geedo dhaadheer oo ay ganbaad kaga dhigteen daadadka si aysan u qaadin.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay