Dadka reer Jabuuti, ayaa saakay u dareeray Doorashada Madaxtinimada Wadankaasi, ka gadaal markii Arbacadii la soo gaba gabeeyay ololihii doorashada, ee Musharaxiinta ku tartamaysa Jegada Madaxtinimada Jamhuuriyadda Jabuuti.
Doorashadan, ayaa waxaa ku loolamaaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhawr xubnood oo kale, oo ay ka mid yihiin Cumar Cilmi Khayre iyo Maxamuud Daa’uud, oo ka mid ah hogaamiye-yaasha mucaaradka.
Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa wuxuu markiisii afaraad uu u tartamayaa Madaxtinimada Jabuuti, wuxuuna u muuqdaa in awood badan uu ku leeyahay doorashadan.
Mr. Geelle waa Madaxweynihii 2-aad ee ay yeelato Jabuuti, tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Faransiiska, 27-kii June ee sanadkii 1977-kii.
Dadka indha indheeya arrimaha Jabuuti, ayaa waxay qabaan in mar afaraad uu doorashada dalkaasi ku soo bixi doono Madaxweynaha hadda xafiiska joogga.
Korjoogto caalami ah, ayaa dusha kala socon doonto qaabka ay u dhaceyso doorashada, waxaana korjoogtadaasi ka mid ah Madaxa Guddiga Doorashooyinka Kenya ahna Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Afrika, Axmed Isaaq Axmed.
Jabuuti waa dal istiraatiiji ah, waana dalka keliya ee saldhigga joogtada uu Mareykanka ku leeyahay, marka loo eeggo Wadamada Qaaradda Afrika.
Jabuuti oo dal yar ah, ayaa waxaa ku hareereysan saddex dal oo qalalaaso ay ka jiraan sida, Somaliya, Eritrea iyo Yemen, waxaana dadkiisa lagu qiyaasaa inay tiradoodu gaareyso sideed boqol, toddobaatan iyo laba kun (872,000)
Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha, ayaa waxaa la tilmaamaa inay saldhigyo militari ku leeyihiin dalkaasi, iyadoo dhawaana uu Sacuudigu sheegay in saldhig militari uu ka samaysan doono.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay