21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sucuudiga oo dhisaya buundo isku xirta iyaga iyo Masar dulmartana badda cas iyo Sucuudiga oo cabsi qaba: WARBIXIN

Sucuudiga iyo Masar ayaa Ku dhawaaqay in ay dhisayaan buundo isku xirta labada wadan. Buundadaas ayaa mari doonta badda cas dusheeda waxana bixinaya kharashka Sucuudiga. Boqorka Sucuudiga oo jooga Masar maalintii labaad ayaa go’aansaday in u dhisto buundadan o ay ku sheegeen mid kordhinaysa dhaqaalaha labada wadan.

Inkastoo faaiido ugu jirto Masar oo iyadu leh wax soo saar badan oo ay hadda ku gayso maraakiiib sida hilibka iyo khudaarta iyo dharka iyo alaabaha kale waxaan jirin wax faaiido ah oo Sucuudigu ka helayo buundadan maadaama isagu aanu dhoofin wax kale aan ka ahayn argagixiso iyo saliid.

Masar ayaa albaabada ka xiratey argagixisada iyo urur diimeedyada dalkeeda ka dhisan sida kooxda akhwaan Muslimiinta. Maadaama Sucuudigu dagaal isaga u gaara kula jiro Iiraan waxa qorshuhu yahay in buundadan ay isticmaalaan askarta iyo ciidanka dalalka Suudaan iyo Masar.

Waxase Sucuudigu aanu ka fikirin in buundadaas la qarxin karo. Si kastaba ha ahaatee waa buundo aan loo baahnayn iyadoo Sucuudigu aanu ogolaanayn inuu wadada u furo Masaarida shaqo doonka.

Qiimaha ay u kacayso buundadani ayaa lau qiyaasay ilaa 3-4 bilyan oo doolarka Maraykanka lacagtaas oo uu ku caawin karo wadamada u baahan. Buundadan ayaa loo bixin doonaa boqorka hadda ee Salmaan oo xasuuq badan ka gaystey Yaman.

Madaxweynaha Masar ayaa ka gaabsaday in uu Sucuudiga ka caawiyo dagaalka uu kula jiro Madaxweynaha Siiriya markuu arkey argagixisada uu faraha kula jiro.

_89143322_89143321[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS