November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maxkamad ku taal Ingiriiska oo xabsi daaim ku xukuntey haweenay Somali ah oo dishey haweenay kale

Kinsi Caydiid waa haweenay Somali ah oo degan xaafada Infiil ee Woqooyiga magaalada London waxana lagu helay dil ay dishey haweenay kale oo Muslim ah laakiin loo malaynayo in ay Somali tahay kadib markii ay si naxariis daro ah madaxa ka garaaceen iyada iyo gabadh kale oo aan Muslim ahayn.

Kinsi Caydiid ayaa lagu arkay kaamarada iyada oo bud ku garaacaysa gabadh 27 jir ah oo lagu magacaabo Xamdi Jumala oo la sheegay in ayna lahayn goob camiyan oo loogu soo hagaago.

Gabadhan la diley ayaa wacday saaxiibkeed una sheegtay in ay mushkilo ka haysato laba haweena oo degan guryaha fooqa ah oo ay joogtey. Dhinaca kale naagta la dishey Kinsi oo lagu magacaabo Magdalena ayaa iyaduna la hadashay saaxiibkeed una sheegtay in ay Xamdi si xun u garaaceen iyadoo furtey sameecada hadalka ee telefoonka gacanta.

Labadan haweena ayaa dafirey in ay dileen inkastoo lagu hayo Kinsi iyadoo bud ku garaacaysa Xamdi. Aakhirkii waxa maydka Xamdi oo qaawan laga helay qol ay ka joogtey guryahan fooqa ah.

Baadhitaan lagu sameeyay ayaa la ogaadey in madaxa iyo jidhka si xun loogu garaacay biro iyo budad taasina ay keentay in Xamdi ay u dhimatey dhaawacii soo gaadhey.

Maxkamada ayaa xabsi daaim ku xukuntey Kinsi halka naagtii la disheyna lagu xukumay 9 sano oo xadhiga oo u dhigma ilaa afar sano iyo badh laakiin ay ka qaadan karto racfaan.

Sawirkan hoose waa Xamdi oo ah gabadha la diley

BBry4EL[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS