November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gaas xaq uma laha in uu soo xulo xildhibaanada anoo Galdogob ka soo jeeda ma tagayo Garoowe: xildhibaan Xoosh

Xilidhibaan Cabdiraxmaan Xoosh jibriil oo ka mid xilidhibanaada Baarlamaanka dowlada Soomaaliya kana soo jeeda Puntland ayaa kasoo horjeestay hishiiskii magaalada Garoowe ay kuwada gareen dowladda soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Xilidhibaan Xoosh ayaa sheegay in uusan ahayn hishiis u qalma dowlada Soomaaliya maadaama uu sheegay in Puntland lagu qanciyey soo xulista xilidhibanaada ka mid noqonaya baarlamaanka soo socda.

“Sax maaha sida aan aaminsanahay in Puntland lagu qanciyo inay go’aan u gaarto beelaha dega dhamaan deegaanada Puntland oo Gaas kaligiis uu soo xulo xubnaha baarlamaanka ee ka imaanaya deegaanadaas.” Sidaasi waxaa yiri xildhibaan Xoosh oo ka tirsan beesha Laylakase

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saaray in heshiiskaan sida uu yahay uu u dhaqan gali doono, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in heshiiskaan laga fiirsado.

“Heshiiskaan wuxuu keeni karaa qilaaf cusub iyo kala tag, maxaa yeelay aniga waxaan ka soo jeedaa Goldogob, ma ahan in Garowe aan tago marka lay soo dooranayo.” Ayuu yiri xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaan magaalada Garowe heshiis kula saxiixatay maamulka Puntland heshiiskaas oo dad badan ay u arkaan mid xujo ku ahaa dowlada oo aad garab u siinayay maamulka Puntland.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS