Qaraxaan oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la dhigay Iridka hore ee maqaayada Al-Hindi ee degmada Xamarweyne ayaa waxaa ku dhintay 5-Qof oo Shacab ah,iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 7 kale.
Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa ku jira Caruur Iskuuley ah, kuwaas oo xiligaa ka soo baxay Iskuuladii ay wax ka baranayeen.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Goobta Qaraxu ka dhacay Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ay yihiin Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.
Sabtidii la soo dhaafay ayaa Qarax nuucaan oo kale ah oo ka dhacay Maqaaxi u dhaw Isgoyska beexaani ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 3- Ruux,iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 5- kale.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacay Weeraro isugu jira Qaraxyo,Hoobiyaal iyo Dilal Qorsheysan, kuwaas oo ay ku farxaan in ay sheegtaan dhiigmiiradka shabaab.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![13007152_930542907044209_2306551749235049962_n-1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/13007152_930542907044209_2306551749235049962_n-11-300x225.jpg)









More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay