November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Prof Axmed Samatar oo la heshiiyay Faysal Waraabe una sharaxan xisbiga UCID haddii….

Prof Axmed Samatar ayaa wararku sheegayaan in uu u sharaxan yahay xisbiga burbursan ee halka reer ku haray ee UCID ee Faysal Waraabe kolba soo saaro warqad uu ku sheegayo in uu eryay kan iyo keer.

Prof Axmed Samatar oo yasay xisbiyada ka Jira maamulka Somaliland oo hal reer wada leeyihiin ayaa wararku sheegayaan in uu heshiis kula galay Faysal Waraabe in uu horta kaga takhaluso Jamaal Cali Xuseen oo isagu sheegay in uu aakhiro la tagayo xisbiga waxkasta oo dhaca xataa haddii looga adkaado maxkamada.

Prof Axmed SAmatar oo sidoo kale sheegay in ay isaga ka iibsami waydey qodobo maamulka Somaliland ictiraaf ku raadinayo ayaan la garanayn waxa bedelay mowqifkiisa waa sida wararku sheegayaan.

Qodobada ay iibgeynayaan ayaa waxa ku jirey in la dilay reerka Isaaq xilliga dawladii Somaliya ayna dhinaca kale maqan tahay dadkii iyagu dileen taas oo ka iibsami waydey Prof Axmed Samatar.

Waxa kale oo ka iibsami waydey in Somaliland 18 May beesha Isaaq la soo noqotey madax banaani, wuxuuna goostey in aanu ku jirin guddi aan loo sheegin oo ictiraaf raadin ahayd.

Lama garan karo waxa Prof Axmed Samatar ku soo kordhin beesha abtigii ah haddii la siiyo kursiga Faysal Waraabe ama xisbigaas loo dhiibo maadaama aanu cod ka helayn beesha abtigiis laguna samayn doono sidii Muqdisho loogu galay doorashadii.

Wararkan ayaa intaa ku daraya in Prof Axmed Samatar uu shuruud ka dhigey in horta ay soo kala baxaan Jamaal Cali Xusen taas oo aan ahayn wax fudud.

Faysal Waraabe ayaana jeclayn in xisbiga dhaafin beeshiisa ama iibsado kuraasta kana iibsado kolba ninkii lacag siiya taas oo loo malaynayo in Prof Axmed Samatar samayn  doono. Waase hala dhowro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS