Maqaaal lagu qorey bar uu leeyahay Cali Gurey oo ah facebook ayaa u qornaa sidan soo socotas uu kuna sheegay in uu dooda dka dhex fahmay sidan soo socota.
Doodan waxad ka fahmi kartaa inay jiraan waanay jiraan eh dad aan ku qanacsanayn in 18 May ay tahay maalin ka mudan 26 juune iyo kuwo leh maya 18 May maalin ka mudan taariikhda Somaliland ma jirto.
Marka aan qaato aragtida Prof. Samatar oo aan u arko mid ka madhan caadifiyada waxan leeyahay marka aynu isla qirsanahay in labada maalmoodba ay yihiin laba maalmood oo taariikhi ah oo mudan in la xuso laba mudan ta sii mudan.
Waxan is leeyahay marka aan Qaran ahaan u fakaro een SNM-nimo iyo Isaaq-nimo i jiidanayn waxa sii mudan ta xuskeeda loo wada dhamaan karo een cidina dareemayn in cid gaar ihi ka leedahay, ama ugu yaraan aanay dareemayn in laga xigsan karo. Sidaa waxan u leeyahay xuska waxan mudnaanta ka siinayaa SOMALILAND ISU DHAN wax kasta ka midaysan oo wax wada leh.
Maanta waxa muhiim ah in mudnaanta aynu siino wixii aynu ku midaysan nahay ee la isla wada ogol yahay wixii aynaan ku midaysnayna dib u dhigano.
Laga yaabee in wakhti kale oo la is aaminay oo shaki iyo cuqdad la kala qabin inay wax is bedeli karaan oo kuwa maanta 18 May lambar two weeye lihi ay noqon karaan kuwa ugu jecel ee mudnaanta koobaad siiya waa hadii 18 May lagu wada badhaadho oo la wada mahadiyo oo wax ka roon wixii ay ka maaleen 26 June ay ka helaan.
Sida maanta muuqata hadii guulihii halgankii SNM loo bedelo guul darooyin is daba yaal oo dulmiga iyo cadaalad darradu ka darto tii laga dagaalamay oo qabyaaladdu sidii wabi karaar dhaafay ay karkaarada jebiso.
Oo in yar oo dadka ka mid ahi tidhaa dheefta anagaa yeelanayna dhibtana waynu u sinaanaynaan oo qaranimada iyo qolonimada la kala saari kari waayo inta 18 May ku hadhaa badnaan mayso wax u dhaama hadii ay helaana laba Cali ku wada hadli mayso.
Markaa beesha dhexe riyada ha ka baxdo oo dhab ha u soo toosto oo waxay inta kale ka iibin karto iyaguna iska iibin karaan ha keento. Hadii kale maaha in ay dadka kale lugooyaan iyaguna is lugooyaan.
Waxad u soo dagaalantay wixii aad ka dagaalantay cid kale daaye aniga oo taban sanadood halgan qadhaadh u soo galay oo SNM ahaa ayaan qaadan karin.
Sidaa daraadeed anigu Prof. Samater ayaan tiisa liqi karaa aniga oo inta ka aragti duwan ee kalena tooda ixtiraamaya.
Allaa Mahad Leh
Cali Guray.
FG: ARAABINEWS ma xaqiijin karto in bartaas facebook u gaar tahay Cali Gurey
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay