24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Masuul sare oo ka tirsan qaramada midoobey oo cambaareeyay cunsuriga weyn ee Donald Trump

Masuul sare oo ka tirsan QM qaybtooda xuquuqda aadamiga ayaa si dadban u cambaareeyay cunsuriga jaahilka ah ee u taagan musharaxa xisbiga jamhuuriga ee dalkaasi Maraykanka inkastoo xisbigu ku dadaalayo in uu kaga takhaluso.

Cunsuri Donald Trump ayaa laga soo xigtey marar badan in uu jecelyahay in la ciqaabo Muslimiinta si xog looga helo uuna soo celin doono ciqaabo hay’ada sirdoonka ee Maraykanku u gaysatay Muslimiin.

Masuulkan oo lagu magacaabo Zeid Raad al-Hussein ayaa sheegay in uu ka xun yahay in mid ka mida musharixiinta dalkaasi Maraykanku ay ku dhawaaqaan fal ciqaabo oo loo gaysto Muslimiinta.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa qaadacsan cunsuru Donald iyagoo ku diidan in aanu cod ka helayn dadka aan cadaanka ahayn ee degan dalkaasi laakiin aan jawaab ka bixin ciqaabaha uu ku hadlay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS