Magalada Bahar daar ee dalka Itoobiya waxaa si rasmi ah uga Furmay shirkii sannadlaha ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum ee looga hadlayey xaaladaha dhaqaale iyo amni ee Qaaradda Afrika oo saaka ka furmay halkaasi.
Sidoo kale shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay madax tiro badan oo ka kala timi dalalka ay ka kooban tahay qaaraddani Afrika iyadoo Madaxweyne walba oo shirka kasoo qayb galayna uu khudbad halkaasi kajeedin doono.
Dhinaca Somaliya shirkaan waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.
Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in Shirkaan uu ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlaayo xaalada nabadgelyo ee dalka Somaliya iyo Dagaalka Dowladiisa ay kula jirto argagixisada shabaab.
Dalalka Afrika xilligan qaarkood waxaa ka taagan falal lidi ku ah dhanka ammaanka, halka qaarkoodna ay ka dhisan yihiin Urur Islaami ah oo dagaal ka wada dalalka ay ka dhisan yihiin iyo kuwa jaarka la’ah.
Shirkaas ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaan la rajeynayaa in lasooo afmeero maalinta Axadda ah ee berrito isla markaana ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![Shirka-Bahardaar-2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/Shirka-Bahardaar-21.jpg)
![Shirka-Bahardaar-3[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/Shirka-Bahardaar-31.jpg)
![Shirka-Bahardaar-6[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/Shirka-Bahardaar-61.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay