13/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qaraar lagu ansixiyay cudurka neerfaha ee loo yaqaan OOTIISAM oo faro kulul ku haya caruurta Somalida Maraykanka

Waxa magaalada Mineopolis ee cariga Maratykanka lagu ansixiyay qaraar lagu aqoonsanayo cudurka neerfaha ku dhaca ee loo yaqaan OOTIISAM oo inta ku dhaca dhalaanka hadal baradka kadibna ku waynaada. Waalidiinta ayaa rafaad ku qaba ilmaha ka qaba cudurka neerfaha ee Ootiisam laakiin qarsada.

Cudurkan ayaa ilmuhu u baahan yahay wax kasta oo noloshiisa ah taas oo ka dhigan in hooyadu la socoto ilmaheeda xataa marka uu waynaado inkastoo hadana cudurku kala marxado badan yahay iskuna mid ahayn sida uu uu hayo caruurta.

Hadaba qaraar lagu aqoonsanayo Somalida qabta cudurkaasi ayaa waxa ansixiyay xildhibaan gole deegaaneed oo aad u firfircoon oo Somalida u matala gobolka Mineopolis.

Qaraarkan ayaa ujeedadiisu tahay in Somalidu ayna qarsan cudurka oo faro kulul ku haya caruurta ku dhalata Maraykanka.

ARAABINEWS