November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Riyo ku dhamaatey badda u dhaxaysa Masar iyo Giriiiga

Axmed wuxuu guursaday Kawsar wuxuuna ku guursaday Sucuudiga todoba bilood kahor waxayna lahayd uur, waxay ka soo jeedaan magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Iyagoo ku Jira da’da 23 jir waxa ka horeeyay mustaqbal aad u fiican iyo riyo ay ku abuurayeen qoys nadiifa oo caafimaad qaba. Waxayse maqleen khad cusub oo ka furmey Masar oo lagu tagayo Yurub oo noqotey janada yar ee aan noqon sida la moodayo, waxayna taasi dhalisey in ay ku soo noqdaan Burco.

Waxay go’aan ku gaadheen in ay fuliyaan riyadan cusub ee lagu tagayo Yurub, waxayna bilaabeen in ay safarkooda ka bilaabaan Itoobiya, kadibna Suudaan, kadibna Masar oo ahayd goobta lagu sheegay khadkan cusub.

Doonyaha waxa lagu yaqaan jacaylo maguuraan ah laakiin jacayl ma jiro marka la raaco doonyaha looxaanta ka samaysan ee lagu aamino naftii Rabi ku yiri xafido inta taadu imanayso.

Waxase soo gashay tooda RABI ha u naxariisto jacaylkii iyo riyadii ay abuureena ha uga dhigo mid ay ka helaan nolosha dhabta ah ee soo socota. Aakhiro mugdi maaha waase nolol ka cad ta hadda aynu ku jirno kana quruxbadan waa haddii aad u shaqaysatay, meesha madow loogu tagaa waa NAARTA Rabi ha inaga hayee.

13022397_537462489758945_1884093055_n1-225x300[1] dh1[1]

Tahriib daynmeynee an aragno waxaan ka helno.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS