Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan caasumadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa shalay 19-April-2016 kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaarida dagaalka iyo kuwa raaxada u samaysa dalkaas oo lagu magacaabo METEC IYO GAFAT.
Kormeerka ayaa Gaas waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Itoobiya Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland oo kamid ahaa waftigaas.
Gaas ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta uu booqday, waxaana goobtaasi ku qaabilay masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka socday wasaaradda gaashaan dhigga Itoobiya, isagoo uu kala hadlay sidii Puntland uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.
Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dawladda Federaalka Itoobiya Dr. Rashiid ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo qadada kadib wada qaatay kulan is xog-waraysi guud ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![gg3[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/gg31-300x165.jpg)
![gg4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/gg41-300x165.jpg)
![gg5[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/gg51-300x165.jpg)


![gg4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/gg41.jpg)
![gg3[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/gg31.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay