Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Amisom ayaa ka xoreeyay degmada Janaale ee gobolka shabeelaha hoose argagixisada Daacish/shabaab/boko xaraam. Labada ciidan oo horaantii bishan argafixisada ka saaray Janaale ayay maalmo ka dib isaga baxeen, taasoo keentay in markale ay ku soo laabtaan.
Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo laba jiho ku socdo, ayaa barqanimadii maanta gudaha u galay Degmada Janaale, xilli ayba isaga dhiigmiiratadu habeenimo ka guureeyeen iyago ogaa ama loo sii sheegay.
Gudoomiyaha Degmada Janaale, C/raxmaan Yuusuf C/nuur, ayaa wuxuu sheegay in hawlgalo amni xaqiijin ah ay ka sameeyeen Degmadaasi, ka dib markii ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen.
Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta, ayaa ka gaabsaday inay ku sii nagaan doonaan Degmadaasi iyo inay isaga baxayaan, sidii horayba looga bartay.
Inta badan waxaa dhacda kolka Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay dhul ka qabsadaan maleeshiyada shabaab inay dib uga soo baxaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay