12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxaa ka soo kordhey weerar lagu qaaday xildhibaan ka tirsan dawlada Somaliya

Iyadoo dhowaan Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Dhaayow ay kooxo hubeysan ku weerareen guri uu ka degnaa degmada Hodan ayaa waxaa maalmahan waxaa socday baaritaano lagu hayay raggii weerarka geystay.

Weerarka xildhibaan Dhaayow lagu qaaday ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 ka mid ilaaladiisa oo iska caabin ku sameeyay kooxihii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka Wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo qab qabteen rag looga shakisan yahay in ay weerarka geysteen baaritaano dheeraad ahna ay ku wadaan.

Waxaana dhanka kale uu sheegay in kooxaha weerarka geystay ay wateen Mooto Bajaaj.

Magaalada Muqdisho ayaa sidan oo kale horey waxaa weerar loogu soo qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS