04/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wariye Caan ah oo si dirqi ah uga badbaaday toogasho lagu dili rabay: SAWIRO

Tifatiraha Wargeyska Mucaaradka ku ah Dowlada Turkiga ee Cumhuriyet, ayaa ka bad baaday isku day nin hubeesan uu ku doonayay in uu ku dilo,kadib markii uu tifatiraha uu kasoo baxay Maxkamad qaadeysay Dacwad ay kusoo oogtay Dowlada Turkiga.

Wariye Can Dundar, oo ah Tifatiraha Wargeska Mucaaradka ee Cumhuriyet, ayaa mudooyinkii dambe la kulmayay hanjabaadyo la xariira in la dilayo, waxaana Wariyahan markii dambe ay Dowlada siisay ilaalo hubeesan .

Dowlada Turkiga ayaa Wariyahan kusoo oogtay dacwad kadib markii Wargeyska uu Tifatiraha ka yahay lagu daabacay war ka careesiiyay dowlada Turkiga oo ahaa in ay Dowlada Hub culus iyo Gantaalo si qarsoodi ah u galisay dalka Siiriya.

Wariyaha ayaana shalay kasoo hor muuqday Maxkamada qaadeysay dacwada loo heestay, waxaana markii Maxkamada soo dhamaatay uuna Wariyaha banaanka usoo baxay Nin bisoolad watay uu damcay in uu toogto ,balse waxaa ka bad baadiyay wariyaha Toogashada xaaskiisa iyo nin kale oo isku duubay ninka bistoolada watay.

Hal qof oo la sheegay in uu Wariye ahaa ayaa ku dhaawacmay rasaasta la doonayya in lagu dilo Tifatiraha Wargeyska Cumhuriyet, ciidamada amaanka ayaan markii dambe xiray ninkii hubeesnaa ee doonayay in uu dilo Wariye Can Dundar.

dundar_2[1]

dundar_1

dundar_2

dundar_3

dundar_4

dundar_5

dundar_6

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS