Narendra Modi oo ah Ra’isul wasaaraha dalka Hindiya, ayaa shacabkiisa ku dhaliilay in qaarkood aysan diyaar u aheyn inay ka shaqeeyaan Nabada iyo Degnaanshiyaha deegaanadooda.
Narendra Modi oo is barbar dhig ku sameeyay gobolka koonfurta Hindiya ee Kerala iyo Soomaaliya, ay sheegay in Gobolkaasi uu ka liito Somalia.
Narendra Modi, ayaa hadalkaani ka jeediyay Banaanbaxyo lagu daahfuraayay olole doorasho, ayaa sheegay in dhimashada caruurta ku nool Gobolka Kerala ay ka farabadan yihiin kuwa Somalia islamarkaana ay ka xun tahay.
Narendra Modi oo sheegay in Gobolka Kerala iyo dadka dega ay ka xun yihiin Soomaalida ayaa waxaa hadalkiisa ka hor imaaday wasiirka koobaad ee gobolkaasi, Oommen Cahndy oo sheegay in hadalka Modi uu yahay mid aan sal laheyn.
Narendra Modi iyo Xisbigiisa ayaa ku caga jugleynaaya in isbedel ay ku sameyn karaan xaalada Guud ee Gobolka Kerala hadii dadka kasoo jeeda Gobolkaasi ay Xisbigiisa ku taageeraan Codadkooda 16ka May oo dadka Gobolka ay codeyn doonaan.
Ugu danbeyntii, Narendra Modi ayaa hadalkiisa ula jeeday dhanka nolosha, waxa ayna Somalia noqoneysaa wadamada fiinta kaga jira nafa qadarida caruurta iyo guud ahaan mid ka liidata dhanka Nolosha.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay