Xasuuqii ka dhacay hoteel Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aad u xoogweyn oo argagixisadu ugu talogashay in ay huteelka dhan dumiso dadka ku jirana wada xasuuqdo, waxayna ka soo shaqeeyeen in muddo ah, waxase hadda soo baxaya cida fududeysay oo inta badan qaata shilimaad loo tuuro iyadoo marka hawsha la fulinaya looga baxo. Somalida ayaa hadda soo fahmeysa cadowga ay leedahay.
Fashilka ku yimi Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ayay ummada Somaliyeed u dhimanayaan, falkii xalayna wuxuu ahaa mid taasi la mida. Wararka laga helayo dad degan huteelka oo la soo badbaadiyay ayaa hay’ada NISA u sheegay in ay arkeen booliis daaqada taagan waxyar kahor inta aanu dhicin qaraxa.
Labadaani Askari oo mid kood ay ciidamada dowlada gacanta ku dhigeen ayaa qiray in iyaga oo laba ah ay Hubkaasi gudaha u galiyeen Hoteelka.
Askartaani ayaa argagixisada ka saaciday gudbinta Bastoolado, Rasaas iyo Tiro Bambooyin ah.
Sida dad la soo badbaadiyay sheegeen Argagixisada gudaha u gashay Hoteelka ayaa waxaa sidoo kale ay wateen Furo koobi ah oo laga sameeyay qolka Keydka Hubka ee Hoteelka, waxa ayna halkaasi kala sii baxeen Hub uu Hoteelka lahaa oo ay ku kabanayeen kuwa ay siteen.
Mid kamid ah dadka laga soo badbaadiyay Hoteelka ee degnaa dabaqa labaad ayaa isna sheegay in qadar yar un ka hor inta aanu qaraxa dhicin uu daaqada xigta dhanka Laamiga ay uga muuqdeen Askar uu uga shakisanaa argaixisada kuwaasi oo markii danbe gudaha u galay Hoteelka.
Laba kamid ah argagixisada ka dagaalameysay gudaha Hoteelka ayaa la sheegay inay kamid noqdeen shacabka gurmadka loo fidinaayay iyaga oo isku muuqaal ekeysiinaayay dadkii degnaa Hoteelka.
Sidii caadiga ahayd argagixisada weerarka qaaday ayaa ku labisnaa dareeska Ciidamada Dowlada iyo dhar shacab oo ay iska dul wateen.
Sidoo kale, Hay’adaha amaanka ayaa ka shakisan Ilaalada Hoteelka, waxaana jira warar sheegaya in ilaa Seddex kamid ah ilaalada Hoteelka oo falkaasi ka badbaaday ay halkaasi ka kaxeysteen.
XAALADA HOTEELKA HADDA
Ciidamada ayaa wada sidii banaanka loogu soo saari lahaa dhaawacyo iyo dad bad qaba oo ilaa xalay ku godoonsanaa Gudaha Hoteelka waxaana jira dad badan oo ku dhintay hoteelka oo meydadkooda daadsan ayahy.
Weli saxaafada iyo dadka caadiga ha looma ogolaan in ay gudaha u galaan hoteelka ciidamada ayaa wada baaritaano xoogan iyo soo sama bixin dadkii mashaqadu ku dhax qabsatay hoteelka Ambassador ee Muqdisho,
Xog ururintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay