November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wasiiro ka tirsan dawlada oo gaaray hotel Ambassador iyo tirada argagixisada oo ay sheegeen

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Saraakiil ciidan ayaa gaaray Dhismaha Hoteelka Ambassador halkaas oo xalay ilaa saaka ay ka dagaalamayeen argagixiso fursad u helay in ay xasuuqaan dadkeena.

Xubnaha gaaray Hotelka Ambassador waxaa ku jira Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo taliyaha Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee Gen. C/raxmaan Tuuryare .

Masuuliyiintan ayaa u tagay Hotelka Ambassador sidii ay usoo arki lahaayeen qasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelkaasi shalay gabal dhicii lagu qaaday, waxa ayna masuuliyintan kormeereen qeybo kamid ah Hotelka.

Masuuliyiinyan oo Warbaahinta kula hadlay Dhismaha Hotelka Ambassador ayaa ka warbixiyay sidii uu weerarka u dhacay iyo sida ay Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ugu guuleesteen soo afjarida weerarkan oo saacado badan qaatay, waxa ayna sheegeen argagixisadii Hotelka weeraray in ay gaarayeen ilaa sadax dhiigyacab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo Warbaahinta kula hadlay Hoteelka ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ku guuleysteen in ay soo afjaraan Weerarka ayna toogtaan dhamaan dhiigmiiradkii.

Wasiirka wasaarada Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaalanka argagixisada uu tilmaamay in ay dagaal kula jiritaanka umada Soomaaliyeed ayna markasta qaraxyo la beegsadaan goobaha shacabka.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka oo isna weerarkan ka hadlay ayaa shaaciyay in ragii Weeraray Hoteelka ay gaarayeen ilaa sadax nin oo hubeysan dhamaaan ay toogteen ciidamada Nabad Sugida Qaranka oo mudo saacado ah dagaal kula jiray.

Weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador waxaa ku dhintay dad ka badan 15-qof ay ku jiraan labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Wabixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS