Sida ay sheegtay laanqeyrta cas waxa xeeb ku taal dalkaasi Liibiya ku soo caaryay maydka boqolaal naftood haligeyaal ah oo sida la sheegay u muuqaal eg wadamada geeska Afrika iyo bariga Afrika.
Meydadka laga helay xeebaha Liibiya ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ku dhowaad in ay gaarayaan 100 Meyd.
Waxaana la sheegay in Meydadkaasi ay soo daad gureeyeen shaqaale ka tirsan hey’ada Lanqeyrta Cas.
Hey’ada Laanqeyrta Cas ayaa waxa ay sheegtay in Meydadkaasi ay muuqaal ahaan u muuqdaan muhaajiriin ka yimid waddamada Afrika sida Kiiniya, Soomaaliya Etoobiya.
Magaalada Zuwara ee dalka Liibiya ayaa waxa ay tahay meel ay inta badan ka baxaan doomaha muhaajiriinta ee u socdo dalalka Yurub.
Laanqeyrta Cas ayaa ku sheegtay sababta ay tahriibiyaasha Badaha ugu dhintaan in ay tahay Doomaha oo aad loo buux-dhaafiyo, marmarka qaarna ay dhacdo in doomahasi ay degaan.
Kumanaan qof ayaa ku naf waayay badaha labadii sano ee lasoo dhaafay sida laga soo xigtay heyadaha QM iyo kuwa kale ee samafalka.
Sanad walba Kumanaan Tahriibayaal ah oo badankooda ka soo jeeda Qaaradda Afrika iyo Wadamo ka tiran Qaaradda Asia ayaa waxay naftooda halis ku geliyaan Safaro khatar ah, si ay u gaaraan Wadamada Yurub.
Warbixintii Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay