Wasaarada diinta ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda laga arkay bisha Soon isla markaana si rasmi ah u tahay Beri oo Isniina bilowga bisha Ramadaan. Sacuudiga waxa ku xiran dhamaan dadyowga Muslimka ah ee ku nool Yurubta galbeed waxayna beri (Isniin) u noqonaysaa bilowga bisha.
Xilliga aan qoreyno warkan oo ah 07:30 saacada geeska Afrika ayaa war laga sugayaa in dawlada Somaliya ku dhawaaqdo in ay beri Soon tahay iyo inkale. Wadamo badan oo Muslima ayaan iyagu wali arkin bisha Ramadan. Waxa iyaguna Soomaya beri oo Isniina Imaaraadka iyo Urdun.
Dadyowga Muslimka ah ee ku nool Yurub ayaa iyagu doorbidey in ay raacaan Sacuudiga maadaama uu ugu horeeyo inta badan sheegista bisha Soon, uuna maalgeliyo masaajido badan oo ku yaal Yurub.
Masjidka weyn ee London ayaa iyaguna shaaciyay in Beri ay tahay Soon oo reer Ingiriis Soomi doonaan Beri oo Isniina. Rabi ha inaga aqbalo Soonka hana inaga dhigo kuwii ka faaiideysta.
Ramadaan Kariim intiina beri ay soon u tahay.
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay