Wasaarada diinta ee dawlada Somaliya ayaa ku dhawaaqdey in la arkey bisha Soon isla markaana ay beri oo Isniina si siman dalkoo dhan looga Soomi doono. Wasaarada ayaa ka digtey in ay furnaadaan meelaha laga cunteeyo maalintii iyadoo sidoo kale ugu baaqday ummada Somaliyeed in ay is cafiyaan bishaan Ramadaan.
Waxa guud ahaan looga diyaar garoobaya dalka soo dhaweynta bisha Ramadaan, waxayna u muuqataa in si siman loo wada soomi doono iyadoo caadiyan gobolada dhexe aan la raacin Sucuudiga oo farogelin siyaasadeed ku haya ururada diimaha.
Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Sheekh Cali Dheere oo ku dhawaaqayay bisha SOONÂ ayaa sheegay in laga arkey magaalada Jowhar. Madaxweynaha Somaliland ayaa hambalyo u direy shacabka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay