25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Raqdii diyaaradii Masaarida ee ku dhacday badda u dhaxaysa Masar iyo Giriiga oo la helay

War hadda soo dhacday ayaa lagu sheegay in la helay raqdii diyaaradii Masaarida ee ku dhacday badda u dhaxaysa Masar iyo Giriiga. Sida ay ku waramayaan khubarada baaraysay halka diyaaradu kaga dhacday badda ayaa sheegay in warbixintooda u gdbiyeen dawlada Masar.

Baadhida diyaarada halka ay badda kaga dhacday ayaa qaadatey muddo ku dhow iyadoo hadda lagu rajoweynyahay in la soo saaro maydka dadka diyaaradu la degtay. Ilaa hadda lama garanayo waxa sababay in diyaaradu ku dhacdo badda.

Warar hore ayaa sheegayay in la ogaadey in dab ka kacay musqusha walise ma jiraan wax cadayna in diyaarada dab qabsaday.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS