Maamulka degmada Tog-wajaale ayaa maalintii shaley gubey oo daadiyey khamrigii ugu badnaa abid ee soo mara degmadaasi. Guddoomiyaha degmada Tog-wajaale Aadan Muuse Aadan shiine iyo taliyaha qaybta bilayska degmada wajaale oo la hadlayey warfidiyeenada ayaa si rasmiya ah u shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen khamrigii abid ugu badnaa.
ee la doonayey in loo soo gudbiyo gudaha magaalada hargaysa, waxaana ay maamulka degmadu iyo bilayskuba ay guud ahaan khamrigaas ku qubeen goob ka mida degmada Tog-wajaale.
Guddoomiyaha degmada Tog-wajaale Aadan Muuse Aadan shiine,oo warfidiyeenada kula hadlayey goobtii khamirga lagu gubayey ayaa sheegay in khamrigaas ay ku soo qabteen sideed nin oo ahaa raggii ka ganacsanayey khamrigaasi”Khamrigan aad arkeysaan ee aanu maanta halkan ku gubeyno,waxaa lagu soo qabtey sideed eedeeysane ayaa lagu soo kala qabtey,waanad aragtaan baaxadda uu leeyahay khamrigaasi,bishuna waa bil barakeysan ee Ramadaan”Ayuu yidhi Guddoomiyuhu
Waxaana uu siiraaciyey”Waxaan halkan uga digeynaa dadka ka shaqeeya mukhaadaraadka inay ka waantoobaan ka ganacsiga mukhaadaraadka khamriga”
Khamrigan ayaa noqonayaa khamrigii ugu badnaa abid ee la damacsanaa in la soo galiyo gudaha Somaliland.
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay