Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka digey qatar uu sheegay inay kasoo socoto dhanka dowladda Xasan sheekh.
Tarsan wuxuu sheegay in Xasan Sheekh sida uu wax ku wado uu dalka gelinayo dagaal sokeeye illaa la gaaro heer ay is dilaan Labo qof oo Ilmo adeerro ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale Guddoomiye Tarsan ayaa sheegay in kooxda Xasan Sheekh iyo saaxibadiisa ay isku dayayaan inay la wareegaan shaqadii odayaasha dhaqanka ee ahayd soo xulista xildhibaannada.
Xildhibaanno doonaya in danahooda ku fushadaan ayuu sheegay inay soo xulan doonaan, balse taasi ay keeni karto in beesha dhexdeeda dagaallanto, islamarkaana dadkii isla dhashay is dilaan.
Ugu dambeyn Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay mudane Tarsan in ay ka taxaddaraan in lala soo fara geliyo xildhibaannada ay doonayaan inay soo xushaan, sheegayna in loo baahan yahay in xildhibaannada laga eego kartidooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay