Macalim Soomaaliyeed ah oo tababare u ah gabadha heysata orodka 1,500-meter ee aduunka oo lagu magacaabo,Genzebe Dibaba, oo u dhalatay dalka Itoobiya ayaa la xirey isaga iyo macalim kale oo dalka Marooko u dhashay, kadib markii booliiska dalka Spain ay weerar ku qaadeen Hotel ay deganaayeen raggaas oo heley dawooyinka mamnuuca ka ah ciyaartoyda.
Hey’adda maamusha ciyaaraha fudud ee IAAF ayaa baaritaan ku sameysay 28 kamid ah 30 ciyaaryahan ee Hotelka deganaa kaas oo ku yaala deegaanka Sabadell oo 25km u jira magaalada Barcelona, hase yeeshee wax faahfaahin ah lagama bixin tababaraha reer Maroco ee lala xirey Jaamac Aadan Karaaiin.
Booliiska ayaa sheegay in Jaamac iyo tababaraha kale sababta loo xirey ay tahay markii lagu eedeeyay in ay maamuleen isla markaana qeybinayeen dawooyinka mamnuuca kordhiya xawliga qofka.
IAAF oo ah hey’adda maamusha ciyaaraha fudud ayaa sheegtay in xarigan uu yahay natiijadii ka dhalatay baaritaanadii la soo bilaabay sanadkii 2013-ka
“IAAF waxaa ay adeegsan doonaa wax kasta oo ay heli karto si loo ilaaliyo awooda nadiifnimada ciyaaryahnada si loo dhowro sharafta Sportiga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay IAAF. “ Kuwa la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ku jira shakhsiyaad iyo tababariyaal kuwaas oo ku howlanaa in ay kharibaan ciyaartoyda ciyaaraha fudud isla markaana kor u qaadaya isticmaalka waxyaabaha la mamnuucay.”
Hey’adda ka hortagga waxyaabaha la mamnuucay ee dalka Spain ayaa feejignaan geliyay saraakiisha maxaliga tan iyo sanadkii 2015 taas oo ka dambeysay weerarka lagu qaaday Hotelka Arrahona oo u dhow goob ay ku tabababartaan ciyaaryahnada isu diyaarinaya ka qeybgalka ciyaaraha Olympic-da ee lagu qaban doono magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.
Ilaa 60 kamid ah dawooyinka la isku mudo ayaa laga heley Hotelka ay tababariyaashan deganaayeen, inkastoo uusan booliiska sheegin in dhammaan walxahan laga heley qolka Jaamac Aadan.
Ciyaaryahanka caanka ah e asalkiisu Soomaaliga yahay isla markaana u orday dalka Ingiriiska Maxamed Faarax ayaa iska fogeeyay in uu wx xiriir ah uu la lahaa Jaamac Aadan kadib markii lala xiriiriyay Mo Farh tababare Jaamac Karaaiin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay