Maxkamad ku taal Masar ayaa diidey in Sacuudiga lagu wareejiyo jasiirado ku yaal badda cas oo madaxweyne Siisi bishii abril ku wareejay Sacuudiga talaabadaas oo keentay in dadka Masar aad uga cadhoodaan.
Masar ayaa sheegtay in jasiiradahaasi ay markasta lahayd dawlada Sacuudigu oo Masar u ahayd kaliya ilaaliye gaar ahaan xilligii carabta dagaalka kula jirtey Maraykanka oo taageersan Yuhuuda.
Xukunka Maxkamadan Ayaan ahayn kama dambeyn waxana Jiri doonta maxkamad ka saraysa in ay eegto haday ku qanacdana sidaas loogu wareejiyo Sacuudiga haday diidana dib loogu soo celiyo maxkamada hoose.
Sacuudiga ayaa raba in uu dib u dhiso kana dhigo goobo dalxiis ama ka dhigo buundo isku xirta Masar iyon Sacuudiga xilli Sacuudigu ku mashquulsan yahay dagaal isaga u gaara oo kula jiro Iran iyo dadka Shiicada ah ee Muslimiinta ah.
Jasiiradahan ayaa ku yaala afaafka hore ee xeebta Caqaba oo dawlada Urdun la wadaagto Sacuudiga.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_89168091_89166204[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/06/89168091_891662041-300x169.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay