Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maanta deegaano katirsan Gobolka Bari ay la wareegeen ciidamo aad u hubeysan uu wato Gudoomiyihii hore ee gobolkaasi C/samad Maxamed Galan.
Ciidamada uu wato C/samad Galan ayaa la wareegay deegaanada Belidhidin , Kalabeyr iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Bari ee Puntland.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari ayaa ka baxsaday Boosaaso kadib markii ciidamo katirsan Puntland ay weerar ku qaadeen gurigiisa, waxaana xiligaa lagu eedeeyay in uu abaabulay banaan baxyo rabshado watay oo ka dhacay Magaaladaasi.
Gobolka Bari waxaa laga dareemayaa xiisad dagaal waxaana shirar gaar leh saraakiisha hogaamineysa ciidamada kala duwan ee Puntland oo ka arinsanaya sida ay ka yeelayaan duulaanka ciidanka uu wato gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari.
Dadka degan gobolka Bai ayaa dareensan in ayna waxba ku lahayn Puntland oo ay u xiran tahay beel gaara iyadoo heshiis uu Xasan Sheekh la galay Cabdiwelli Gaas lagu sheegay in Cabdiwelli Gaas leeyahay saxiixa u dambeeya xildhibaanada ka imanaya Puntland oo ay ku jirto Khaatumo, SDanaag iyo hadda gobolka Bari.
Lama garan karo sida xaaladan cusub ku dhamaan doonto waxase Jira saansaan colaadeed mana jirto wadahadal.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay