25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Nin argagixiso ah oo xalaashaddey dhiiga taliye ciidan oo gacanta lagu dhigey magaalada Beledweyne

War goor dhaw naga soo gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Askari Xalay Magaalada Jowhar ku Toogtay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugidda Ee Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahim.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa noo xaqiijiyay Jiritaanka Warka ah in Ciidamada Amniga ay qabteen Askariga Dilka u geystay C/wali Ibraahim Taliyihii NISA ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maamulka wax kale oo Faah-faahin ah kama bixin,waxaana Dilka Taliyaha sheegtay Al-shabaab,iyadoo Askariga Dilka geystay uu Al-shabaab horay uga soo goostay islamarkaana uu ka mid noqday Ilaalada Taliyaha Xalay la dilay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS