25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Siyaasiyiin beesha dhexe ah oo ku farxay Ingiriiska ka baxay Yurub halka qaar kalana ka naxeen

Siyaasiyiin beesha dhexe ah oo ku farxay Ingiriiska ka baxay Yurub halka qaar kalana ka naxeen. Waraysi ay bixiyeen siyaasi Xuseen Cali Cawil iyo Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa qaba fikrado kala duwan.

Markaas  inuu David Cameron meesha ka baxdo shakhsiyan waan soo dhawaynayaa oo dhex inoomuu ahayn inaga iyo Somaliya, wuxuu taageero xoogan oo siyaasdeed la garab taagnaa dawladda Somaliya, halka inaga aanu marna kelmad taageero ah inoo odhan. Xataa Baratakoolkii Ingiriiska lagu yaqaanay wuu jebiyay oo safiirka uu Muqdisho u diray markii uu waraaqaha aqoonsiga dhiibayay waxa dhinac taagnaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska. Markaas waad arkaysaa sida uu u taageersanaa dawladda Muqdisho, waxaanan aaminsanahay inuu iman doono raysalwasaare dhex u ah Somaliland iyo Somaliya.”

Cawil oo abaaraya jawaabta su’aasha in ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub ay Somaliland dani ugu jirto, wuxuu yidhi “Ka bixidda UK ee Midowga  Yurub, waxay faa’iido inoogu tahay uun David  Cameron oo meesha ka baxay,  waxaana loo baahanyahay inaynu sugno oo aynaan mala awaalin ilaa aan ogaano qofka bedelaya David Cameron oo markaas eegi karno dhinaca ay siyaasadiisu u jihaysantahay.”

Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa isaguna qaba“Dawladda Ingiriisku inay hormuud ka noqoto qadiyadda Somaliland waxa ka hortaagnaa mawqifka Midowga Yurub oo xanibay. Mar hadday taasi meesha ka baxday fursad.

Xigasho Geeska