Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay eedeeynta ay jeediyeen Culimada Soomaaliyeed taasi oo la xiriirta sharciga Siyaasada Haweenka oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa iyo guud ahaan Madaxda Soomaalida aysan qaadan doonin qodob yar oo kasoo horjeeda diinta Islaamka.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dhammaan madaxda iyo shacabkuba ay heystaan diinta islaamka sidaa aawgeed aysan qaadan doonin wax garaafeynaaya diinta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Culimada Soomaaliyeed looga baahan yahay in marka ay arkaan qalad in ay la soo xiriiraan Hay’adaha dowladda balse aysan wanaagsaneyn in Warbaahinta ay ka sheegaan hadalo wax u dhibi kara dowlada.
Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso in ay qanciso cid walbo oo qalad u fahanta sharciyada dalka.
Haddalka Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa imaanaaya xili argagixisada xalaashatey dhiig badan oo Somali ah hadalka wadaadaduna uu keeni karo in dhalinyaro badan uu sii qaldo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay