Dhacdo la yaab leh oo hore loo arag ayaa caawa ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii koox dabley ah ay toogteen kadibna dileen Imaam Masjid oo xilligaasi Salaad dujinaayay dad fara badan.
Goobta dhacdadan ka dhacday ayaa ah Degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, waxaana masjidka lagu magacaabaa Masjidka Abubakar.
Imaamka isagoo salaada ku dhex jira la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Cumar Xuseen, waxaana la sheegay inuu ahaa Sheekh dhalinyaro oo aan la ogeyn sababta loo dilay. Sheekhan ayaa ka mid ahaa culimada wacdiga ka jeedisa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho iyo TV-ga.
Dad badan ayaa lagu dilay iyagoo masjid ku jira ama salaad kasoo baxay, waxaa sidoo kale dhacay in la dilo tiro dad ah oo salaad ku jiray, laakiin waa markii ugu horeysay ee Imaam salaad ku jira oo dadweyne jameeco ah tujinaya la toogto, lana dilo.
INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay