Argagixisada shabaab ayaa qafaashay Laba gaari nooca raaxada ah kuwaasi oo la sheegay inay sideen qaad. Gaadiidkaani la qafaashay ayaa ka ambabaxay deegaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxa ayna maleeshiyadu qafaasheen xili ay marayeen duleedka deegaanka Dhoobleey.
Argagixisada ayaa inta aysan qafaalan gaadiidkaasi rasaas ooda uga qaaday labada gaari, iyadoo rasaastaasi ay ku dhaawacmeen ilaa seddex ruux.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada gaari ay maleeshiyada ula dhaqaaqen deegaanada ay ka arimiyaan, waxaana sidoo kale, jira warar sheegaya in maleeshiyada ay halkaasi uga tageen dhaawacyada dadkii ay rasaasta ku dhaawaceen oo iyagu la kala socday labada gaari.
Argagixisada weli kama aysan hadal dhaca iyo dhaawaca ay u geysteen dadkaasi shacabka ah.
Maaha markii ugu horeysay oo argagixisada dhac noocaani ah kula kacaan dad shacab ah oo ka ganacsada qaadka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay