Ciidamada Booliska Dowlada Somaliya ayaa Waxaa ay Gacanta Ku dhigtay Rag ka tirsan argagixisada Shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Qeybo ka mid ah Degmadda Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir.
Raggan argafgixisada ah ayaa in muddo ah waxaa ku daba jogay raadkoodda ciidamada Amaanka kuwaas oo ugu dambeyntii soo qabtay dhiigmiiradkan.
Ciidamada ayaa howlgal gaar ah ka sameeyay Masaajid ku yaal Degmadda Yaaqshiid waxaana ay ka soo heleen hub kala duwan oo ay ku jiraan Bistoolado ciidamadda ay ku sheegeen in dilal lagu fuliyay.
Taliyaha Booliska Saldhigga Yaaqshiid Gaashanle Dhexe Maxamed Yuusuf Nuur, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada oo ku socday xogo ay bulshada ka heleen ay howlgal ka fuliyeen masjidka.
Hubka ayaa Masaajidka waxaa looga qariyay Dhanka Minaaradda waxaana ay ciidamadu Bistooladdaha iyo Raga ay soo qabteen u soo bandhigeen Saxaafadda.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![2-1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/2-11-300x226.png)
![5[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/51-300x225.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay