25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada weyn ee DAACISH ee ku naaxda dhiiga Muslimiinta oo ciyaartoy qoorta ka goysay: SAWIRO

Caruurta magaalada Raqqa ee dalka Siiriya ayaa ku cayaaraya Maydadka Afar nin oo ahaa ciyaartoy caan ah oo ay qoorta ka gooyeen kooxda argagixisada Daacish ee xooga ku haysata magaalada.

Ciyaartoydaan oo maydkooda suuqyada laga tagaa markay dadka ku uraana laga qaadaa. Ciyaartoydaan caan ka ahaa dalkaasi Siiriya ama siwayn loo yaqaanay ayaa waxay u ciyaari jireen kooxda Al-Shabab oo ka mid ah kooxaha ugu waawayn ee ka dhisan wadankaasi dagaalada ay halakeeyeen.

Dhiigmiiradka DAACISH oo dadka gaaleeya kadibna dhiigooda banaysta ayaa soo bandhigay Maydadka dadkaan oo aad looga naxayo Qoortana ay kawada jareen

Sida caadada ah Cayaartoydaan ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasiin u basaasayey Jabhada Kurdishka isla markaana baaritaan ay ku sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in ay ahaayeen basaasiin.

Cayaartoydaan la Gawracay ayaa lagu kala Magacaabi jirey Osama Abu Kuwait, Ihsan Al Shuwaikh, Nehad Al Hussen iyo Ahmed Ahawakh.kuwaas oo u Wada dheelayey Naadiga Al Shabab.

Ciyaartooy1

Ciyaartooy2

Ciyaartooy3

Ciyaartooy4

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS