Waxa jirey warar sheegaya in ciidamada Amisom ka baxeen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hadaba si war looga helo arintaasi waxa war ka soo saaray afhayeenka Amisom.
Afhayeenka Howlgalka AMISOM Ee jooga Soomaaliya Joe Gabedo ayaa mid ka mid ah Warbaahinta Muqdisho waxa uu sheegay inay been abuur tahay in argagixisada Al Shabaab qabsadeen Magaalada Marka.
Su’aal la weydiiyey waxa ka Jira in Ciidankooda ka baxeen Marka Cadeey ayuu ku jawaabay inay ahaayeen Ciidanka dawlada Soomaaliya oo ka guuray fariisin ay kusugnaayeen oo iyagu aysan jirin ka bixitaan wax la yiraahdo.
Afhayeenka AMISOM waxa uu sheegay inay Al Shabaab buun buuniyeen warar been abuur ah oo keentay buu yiri inay ku marin habaabiyaan dadka Soomaaliyeed waxaan jirin.
AMISOM waxay si buuxda usheegtay inay weli ciidankooda kusuan yihiin Fariisimihii ay ka joogeen Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.
C/llaahi Wamooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay