War lagu daabacey jariirada StandardMedia ee ka soo baxda dalka Kenya ayaa xaqiijisey in ugu yaraan Lix askari oo ka tirsan ciidanka dalka Kenya ayaa ku dhintey weerar uu nin ku hubeysan ku diley dhinaca galbeed ee dalkaasi.
Ninkan weerarkan geystey ayaa sida wararku ay sheegayaan looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta badhtamaha koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale waxay wararku intaa ku darayaan in ninkan dilka geystey uu ka baxsad goobtii uu ku diley lixda askari.
Dhinaca kale ninkan weerarka geystey ayaa lagu sheegey magaciisa Mwalimu Omari, waxaana la xidhay labo maalmood ka hor isaga oo looga shakiyay in uu dhallinyaro qorayay oo uu barayay sida hubka loo isticmaalo.
Qofka ugu wayn ee looga shakisan yahay weerarka ayaa ka baxsaday saldhig booliis oo ku yaala Kapenguria.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay