25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Galmudug oo qabatey dhar ku socdey argagixisada shabaab: SAWIRO

Maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay dhar ciidan oo ay sheegeen in loo waday degmada Xarar dheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay argagixisada shabaab ka taliyaan.

Laamaha amniga ayaa sheegay dharkan in laga soo qaaday magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadib markii baaritaan lagu sameeyay dadkii lagu qabtay dareeskaan.

Masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in dareeskaan lagu wareejindoono ciidamada milatariga Soomaaliya, iyagoo dhinac kale sheegay in maxkamad lasoo taagidoono dadkii lagu qabtay agabkaan.

3EEF5A6C-18D8-453C-91D0-4355DBD7AB4D_w987_r1_s[1]

02B1A30F-9A4C-4469-A42B-3F24F065FAD1_w610_r1_s3EEF5A6C-18D8-453C-91D0-4355DBD7AB4D_w987_r1_s6BEEB7B4-F65C-4225-94EA-0AA4F9069D4A_w610_r1_s