Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun 4 bilood ah ku riday gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalle.
Gudoomiyaha maxkamada Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen ayaa ku dhawaaqay xukunkaan, xilli maanta markii saddexaad Yacquub lasoo taagay maxkamada.
Wuxuu sheegay gudoomiyuhu in Yacquub uu galay dambi ah kicin dad weyne, kadib markii dhawaan jeediyay hadal uu ku dhaliilay madaxweynaha dowladda Puntland.
Gudoomiyaha maxkamada ayaa racfaan bil ah siiyay xukumane Yacquub Maxamed Cabdalle, sidoo kale wuxuu sheegay in xukunkaan la iibsan karo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay