Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya magaalada NICE ee dalkaasdi Faransiiska ayaa sheegaya in dhimashada gaadhigii xamuulka ahaa ee lagu weeraray dad dabaaldeg u jooga uu hadda marayo 84 qof.
Gaadhiga xamuulka ayaa la sheegayaa in uu toos u jiidhey dadka inkastoo markii dambe rasaas lagu fadhiisiyay. Gaadhiga ayaa hadda jooga halkii lagu toogtey.
Wararka ayaa sheegaya in uu ahaa hal qof inkastoo wali wararku soo baxayaan. Lama oga ujeedada weerarkan fuleynimo ee lagu xasuuqey dad aan waxba galabsan waana fal argagixisnimo.
Madaxweynaha Faransiiska oo hadlay ayaa sheegay in uu kordhiyay bandooga kuna daray sadex bilood oo kale. Dadka ayaa xilliga la weeraray u taagnaa dabaaldeg.
Dhaawaca ayaa iyadna la sheegayaa in uu gaarayo ilaa 118 qof. Waxa hadda la galay in la cadeeyo qof xasuuqan gaystey halka uu ka yimi.
Booliiska ayaa sheegay in ninka weerarka gaystey uu ahaa nin Faransiisa laakiin ka soo jeeda wadankaasi Tuuniisiya hadana ay rabaan in ay cadeeyaan waraaqaha laga helay gaadhiga.
Weerarkan ayaa waxa fuliyay argagixisada DAACISH e xalaashatey dhiiga bani aadamka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_90394404_mediaitem90394402[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/90394404_mediaitem903944021.jpg)
![_90394439_mediaitem90394438[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/90394439_mediaitem903944381.jpg)
![_90394721_mediaitem90394720[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/90394721_mediaitem903947201.jpg)
![_90394789_mediaitem90394788[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/90394789_mediaitem903947881.jpg)
![_90394976_mediaitem90394915[2]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/90394976_mediaitem903949152.jpg)
![_90396027_rtsi18f[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/90396027_rtsi18f1.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay