November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Turkiga oo 6000 oo qof siyaabo kala duwan u qabtey iyo wararkii u dambeeyay

Wararkii ugu dambeeyay afgambigii fashilmey ayaa sheegaya in dawladu ilaa hadda qabatey dad gaaraya 6000 oo qof oo siyaabo kala duwan ugu lug lahaa afgambigii fashilmey.

Wasiirka cadaalada Bekir Bozdag ayaa sheegay in nadiifin iyo kala sifeyn hadda lagu jirno, isagoo intaa ku daray in tirada la sii qabanayaa ay intaa ka sii kordhi doonto.

Afgambigii Jimcihii habeenimada Sabtidu soo galaysay ayaa aduunka oo dhan ka xanaaqeen iyadoo Turkigu yahay dal ku yaala meel muhiima oo ayna ka maarmin wadamo muhiima.

Dawladaha ka xumaaday waxa ka mida Ruushka oo saaxiib dhow la ah Turkiga inkastoo ay naceen Erdogan. Waxana ku farxay Yuhuuda iyo Maraykanka.

Reer Yurub oo aan lahayn hogaan mideysan ayaa wadanba sidiisa uga hadlay. Tirada dhimashadii shaqaaqadii Jimcaha ayaa hadda gaaraysa 265 qof.

Dadka la qabtey ayaa waxa u badan askar darajooyin sarsare leh iyo xaakino raacsan iyaga oo ka hadlay afgambiga. Madaxweynaha Turkiga ayaa yiri waa in hadda barlamaanku eego xukunka DILKA ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in afgambigu ahaa hadyad rabaaniya waayo ayuu yiri ” waa fursad lagu sifeynayo ciidanka”. Wuxuu codsaday in Maraykanku soo dhiibo FETXI GULEN oo Erdogan ku eedeeyay in uu ka dambeeyo afgambigii dhicisoobey.

Fetxi Gulen oo urur diimeed xoogleh wata ayaa beeniyay in uu ku lug leeyahay.

Maraykanka ayay u badan tahay in uu diidi doono inkastoo wasiirka arimaha dibedda John Kerry uu sheegay in hadii Turkigu la yimaadaan cadeyn buuxa ay aqbali doonaan ficilna ka qaadi doonaan.

Turkiga ayaa dhinaca kale ka codsaday Giriiga in uu soo dhiibo sarkaalo watey helikobter oo iska dhiibey dalkaasi. Helikobterka markiiba waa la soo celiyay laakiin ragii wadey waxay ku hadheen Giriig.

Dadka badankiisa ayaa is waydiinaya Erdogan waa ka badbaaday midkan laakiin maka badbaadi doonaa kan ku xiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS