01/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Rasaas ka dhacaysa tuulooyin hoostaga Sanaag una dhexeeya Warsangeli labada dhinacba ku jira

Waxaa Subixii hore ee saaka dagaal u dhexeeya Cidammada Somaliland iyo kuwa maamulka Garoowe  uu ka bilawday degaanka loo yaqaanno Booda oo qiyaastii dhawr iyo labaatan kilo­mitir jahada galbeed kaxigta magaalada Dhahar.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dagaalkaas ka dhashay oo sugan haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiro
khasaare labada dhinacba soo gaadhey.

Dhinaca kalena bulshada ku dhaqan magaalada Dhahar oo aannu laxidhiidhnay ayaa iyaguna sheegay
inay maqlayaan sanqadhaha hubka dhacaya haseyeeshee aanay xog intaas kasii dheer u hayn dagaalkaas.

Wariye kusugan Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xaalada weli lagu sifeyn Karin mid khasaaraha la ogaan karo maadama rasaasta fudud iyo mida culus la isku adeegsanayo.

Dadka deegaanka ayaa barakacaya iyadoo xabaduna ay tahay mid culus.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS